Bangiga Aduunka oo ku gacan seyray codsiga Kheyre ee shirkooda sanadlaha ah!

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre ayaa waxa uu codsiyo kala duwan u diray Bangiga Aduunka iyo Hay’ada lacagta Aduunka isaga oo ka codsaday in fursad loo siiyo in uu ka hadlo kulamadaas. Qoraal email ah ayaa loogu sheegay in ayan jirin meel munaasab ku ah in uu ka hadlo madaama arimaha Bangiga Aduunka ee sanadkaan diirada lagu saararayo ayan ku jirin arimo quseeya Somaaliya ama uu isaguba  aqoon u leeyehay.

Kheyre oo ay ka muuqato rabitaan ah in uu ka soo muurdo shirka  ayaa codsay in kulankastaa oo lagu qoro uu diyaar u yahay in uu ka qayb-galo. Bangiga oo la yaabay baahida iyo rabitaanka ka muuqada Kheyre   ayaa waxaa Kheyre loo soo jeediyay in uu ka hadlo Seminar  aan isaga iyo Soomaaliyaba  sharaf u ahayn mar hadii siminarka kooban loogu talagay wasiir ku xigeeno iyo Agaasamiyayaal.

Kheyre ayaa bisha Abrill 13keeda waxa uu  hadalka  (Panel) la qeybsanayaa Wasiirka Qorsheynta ee Dalka Cameron Mudane  Alamine Ousmane Mey Iyo aqaasimaal gobolo. Waxaa nasiib xumo ah in sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed uu u istcimaalayo danahiisa gaarka ah. Waxaa taa ka sii daran ajandaha seminar-ka looga hadlaya ma aha arimo Soomaaliya quseeysa ama uu aqoon u leeyahay in uu ka hadalo.

Seminar aqoon isweydaarsi ah ma loogu talagalin in hogaamiye dal uu ka qayb galo ama uu fariisto, waa sharaf dhac isaga taabanaysa isla markaasna u gafeysa sharafta umadda uu wakiilka ka yahay.

Su’aasha dad badan isweydiinayaa ayaa waxa ay tahay: maxaa qasbaya in uu ka qayb galo kulan aan lagu casuumin iyada oo dalka ay ka jirto xaalada xanuun badan oo maalin kastaa  dad Soomaaliyeed ay naftooda ku weynayaa?. Hadii uu isaga garant waayay in uu ka joogo shirka noocaas ah, MW Farmaajo muxuu go’aan uga gaari waayay?