Bangiga Aduunka oo iska fogeeyay hadalada ka soo yeeray Kheyre ee kala dirka Ciidanka

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre ayaa kulamo kala duwan oo uu la qaatay qaar ka mida saraakiisha ciidanka iyo Wasiiradiisa ugu sheekeeyay in Bandiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka ay ku qasbeen dowlada Soomaaliya in ay ciidanka intiisa badan la kala diro oo laga soo reebo tiro ka yar 15,000 taas oo xujo looga dhigay in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la  cafiyo ama lacag $100 Milyan oo doolar oo hor leh la siin doono.

Kulan ay habeen khamiista isugu yimaadeen saraakiisha AMISOM oo ka walwalsan gadoodka ciidanka ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Xassan Kheyre uu yahay been abuur. Intii lagu jiray shirka ayaa waxaa loo yeeray Wakiilka Bangiga Aduunka u fadhida Soomaalias Hugh Riddell kaas oo sheegay in ayan ku amrin dowlada Soomaaliya in ay kala dirto ciidanka laakiin waxa uu sheegay  in lagula taliyay in la yareeyo musuqa ka dhex jira ciidanka taas oo keeni karta in beesha caalamka hesho kalsooni ay ku taageerto Soomaaliya.

Xassan Kheyre ayaa waxa uu isku diyaarinayaa in uu u safro dalka Mareykanka isaga oo rabo  in uu ka qayb galo shir sanadeedkii Bandiga Aduunka oo ay tahay in Wasiir loo diro oo aan isaga looga baahnaynin. Kulankaas ayuu  rabaa in ugu faano in uu kala diray ciidanka Soomaaliya.

Dhanka kale Xassan Kheyre ayaa ay ku jirtaa aano qabiil oo uu doonayo in uu beelo gaar ah ku beegsado isla markaana awooda la soo afjaro.