Bangiga Adduunka oo xayiraad saaray Wasaaradda Qorsheynta, Maaliyadda iyo Shirkadda ADP

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Baanka Adduunka ayaa maanta ku dhawaaqday in muddo 21 bilood ah ay shaqada ka joojiyeen shirkadda Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ah shirkad maamuleysay lacagaha Baanka Adduunka uu siiyo Soomaaliya, isla markaana bixisa adeegyo la-talin iyo tayeeytan dhinaca maamulka, maalgashiga, xalinta ganacsiga, maaliyadda shirkadaha iyo horumarinta ganacsiga, iyadoo lala xiriirinayo hab-dhaqan musuqmaasuq iyo been abuur ah, waxayna ka shaqeynayaan sidii loo kaabi lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.

Xayiraadda ayaa ka dhigaysa ADP mid aan u qalmin ka qaybgalka mashaariicda iyo hawlaha ay maalgeliyaan hay’adaha hoos yimaada Bangiga Adduunka. ADP ayaa lagu wadaa in aay ogolaato cunaqabatayn.

Mashruucan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo shaqaaleysiinta iyo tayada hay’adaha ee wasaaradaha la xushay iyo hay’adaha dhexe si ay u qabtaan hawlaha asaasiga ah ee dawladda. Sida laga soo xigtay xaqiiqooyinka kiiska, ADP si taxadar la’aan ah ayaa meesha ka saartay shaacinta xiriirka iskahorimaadka-xiisaha marka ay soo gudbinayaan soo jeedinta qandaraaska hoos yimaada mashruuca, taas oo ah dhaqan khiyaano ah.

Ka joojinta lagu sameeyay ADP waxay qeyb ka tahay isdhaafsiga bangiyada kale ee horumarinta ee dhinacyo badan leh (MDBs) ee hoos yimaada Heshiiska Dhaqangelinta Wadajirka ah ee Go’aamada Ka-hortagga ee la saxiixay Abriil 9, 2010.

Shirkadda ADP ayaa wadashaqeyn buuxda la lahayd Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxaana eedeynta qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DF Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Maaliyadda DF Cabdiraxmaan Beyle kuwaasoo lagu helay in aay qeyb ka ahaayeen musuqa shirkadda ADP aayna lunsadeen adduun lacageed oo dhan $40 Milyan oo Doollar.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!