Bangi cusub oo Muqdisho laga furay

Reading Time: 3 minutes

Bangi cusub oo loogu lagu magac daray  Daryaal ayaa maanta laga daahfuray  Tre Piano ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda daahfurka ayaa ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socday Bankiga dhexe, ururka bankiyada, rugta ganacsiga iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Maamullaha xarunta bankiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur oo ugu horrayn xafladda ka hadlay ayaa sheegay aasaaska bangiga inuu ku yimid baahida loo qabo adeegyo casri ah, wuxuuna inta ku daray bankiga inuu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo banki oo la isku haleyn karo, kuna xiraya hannaanka caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan bankiyada caalamiga ah, isagoo marka ku soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo qurba-joogta adeegyada uu bankigu bixinayo.

Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case ayaa dhankiisa sheegay in bankiga Daryeel uu qayb ka yahay Ifitin Group, wuxuuna caddeeyay bankiga inuu ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed si daahfuran, ammaano ah oo deg deg leh.

Guuleed Cismaan, guddoomiyaha ururka bankiyada dalka oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay daahfurka bankiga Daryeel , ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in bankigan uu ka mid yahay bankiyada dalka ee sida casriga ah u shaqeyn doona,waxaa kalo uu tilmaamay ururka inuu isku xiro bankiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada.

Rugta ganacsatada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay, waxaana ay ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Daryeel Bank, sida uu munaasabadda ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsatada.

Cawil Aadan  oo ah agaasimaha maamulka lacagta ee bankiga dhexe , ayaa boggaadiyay bankiga Daryeel oo uu sheegay ka sakow adeegyada uu bixinayo, inuu dalka ku soo kordhin doono shaqo abuur.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ah guddoomiyaha guddiga midowga Baarlamaannada bariga Afrika ee la-dagaallanka gaajadda ayaa soo dhaweeyay daahfurka bankiga iyo adeegyada fudud ee uu bankiga bixinayo, iyaga oo ku booriyay inay si furan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo munaasabadda daahfurka bankiga Daryeel soo xiray , ayaa ku ammaanay adeegyada sahlan ee uu bankiga usoo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku sheegay inay tusaale u tahay horumarka iyo horusocodka dalka, waxaa kalo uu ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay dhabar adeyga ay u muujiyeen marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray, ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay inay xoogga saaran dhiirrigalinta adeegyada ganacsi iyo sida lagu gaari lahaa isku filnaasho buuxda.

Ugu dambeyn, ka qaybgalayaasha daahfurka bankiga Daryeel ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta bangiga adeegyada u sahlaya bulshada in iyaga oo jooga gurigooda ama goobahooda inay  qaab internet ah ku heli karaan dhammaan adeegyada bangi ee lacag diris, soo diris iyo dhigashaba leh, iyada oo aan la tageyn xarumaha bankiga.