Reading Time: < 1 minute

Iyadoo ay ka soo wareegtay muddo seddex sano ah markii xilka Madaxweynaha loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bishii Febraayo 8 sanadkii 2017.

Hay’adda Amnesty International ayaa magaalada Nairobi maanta ku qaban doonto bandhig loogu magac daray Waxaan ku nool nahay cabsi joogto ah

Bandhigga ayaa lagu soo uruuriyay dhammaan gabood falkii iyo xasuuqii ay geysatay dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre taasoo loogu talo galay in ay adduun weynaha arkaan tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo geysto shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaala madaxda Muqdisho.

Bandhigga aya ka dhici doona xarunta Amnesty International ay ku leedahay magaalada Nairobi saacadda marka ay tahay 9 subaxnimo wakhtiga bariga Afrika.

Wixii faah faahin ah waxaad kala xiriiri kartaa Amnesty International Xafiiska Bariga Afrika Riverside Studios, Nairobi, Kenya Phone: +254 20 4283000 ama @amnestypress
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
139 days
17 hours
25 minutes
56 seconds