Waxa maanta dib uga soo cosboonaaday magalaada Baladweyne Bannaanbaxyo ballaaran , waxaana manata si weyn looga dareemay bannanbaxaasi guud ahaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baldweyne, iyadoo la arkaayay dad Shacab ah oo isugu soo baxay Qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
Sida ay shegeen odoyaasha dhaqanka, bannaanbaxyadaas waxaa dhigayay dad shacab ah, waxaana ay kaga soo horjeedaan hogaanka DG Hirshabeelle, iyadoo ay ku dhawaaqayaan dadka shacabka ahi Erayo ka dhan ah Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen. Ciidanka ammaanka ayaa isku dayay in ay ka hortagaan dadka shacabka ah ee dhigaya Bannaanbaxa, waxaana Ciidanku ku guuleysteen in ay meelaha qaar ka kala cayriyaan dadka bannaanbaxayay, wallow Xaafadaha qaar ay si weyn ugu bannaan-baxeen dadku.