Banaanbaxyo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ka socda banaanbaxyo  kala duwan  oo lagu  taageerayo Maamulka Al Sunna Wajameeca. Sida ay sheegayaan goobjogaal Banaan baxyadaan ayaa ka socda bartamaha Magaaladda Dhuusamareeb iyada oo dhanka kale Dowlada Fedaraalka lacag ku bixisay in iyagana ay dhankooda soo bixiyaan banaan-baxayaal taageersan  mowqifka Dowlada.

Banaan baxayaasha taageersan Al Sunna Wajameeca ayaa  ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna ku taageerayaan hadal shalay ka soo baxay Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.