Banaanbax xoogan oo ka socda Boorame & Ciidanka Amniga oo tacshiirad furay

Reading Time: < 1 minute

Qalalaase xooggan ayaa maanta ka taagan magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.Banaanbax lagu dalbanayay in toogasho lagu fuliyo askari dil u geystay sarkaal u dhashay degaankaas ayaa isu rogay qalalaase baahsan oo saameeyay Boorame oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyo dhexmaray dadweynaha gadoodsan iyo ciidanka Booliska uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ay ku jiraan dad dhaawacmay. Qalalaasaha ka socda Boorame oo markii hore ku bilowday muddaharaad ayaa saacadba saacadda ka danbaysa sii xoogaysanaya.