Banaanbax xoogan oo hada kasocda Magalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Bannaanbax ballaaran ayaa saaka Ka Billowday Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in hadda uu bannaanbaxu sii xoogaystay, kadib markii ay dadweyne farabadan isugu soo bexeen.

Waxaa dadka bannanxa dhigaya ay ka caraysan yihiin wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmooyinka kala ah yaaqshid iyo Hiliwaa, waxaana saaka isku soo baxay dadweyne  ka caraysan tallaabada lagu xiray wadooyinka muhiimka u ah degmooyinkaas.

Bannaanbaxa ayaa waxaa hor kacaya dad u badan gaadiid leey sida wararku sheegayaan, kuwaas oo waddooyinka ay marajireen la xiray, waxaana aagga uu bannanbaxu ka socda uu ku teedsan yahay Laamiga dheer ee Warshadaha, kaasi oo muhiim u isku socodka guud ee Magaalada.

Carruur, haween, dhaliyaro iyo gaadiidley farabadan ayaa lagu arkayaa waddada iyagoo ku bannaanbaxaya, waxaana ay sheegeen in doonayaan in loo furo waddooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay dhagxaantii ka qaadday qaybo ka mid ah Magaalada muqdisho, waxaana la sheegay in dhagxaantii laga qaaday gudaha caasimadda lagu jaray waddooyinka Soo gala magaalada ee ay ugu horreyso qaybo ka mid ah waddada warshadaha, oo ah waddo muhiim u ah degmooyinka Yaaqshid, Dayniile iyo Hiliwaa.