Wararka ay MOL ka heleyso dalka Ingriiska, oo uu horraannta bisha May ka dhacayo caleemasaarka Boqor Charless III, ayaa waxay sheegayaan in Koox Somali ah oo shabaab u dhuun daloola ay ka abaabulayaan bannaanbax lagu sameynayo MW Xasa Sheekh Maxamuud oo ka mid ah boqollaalka marti sharafeed ee lagu sharfay Caleemasaarka Boqor Charless. Kooxdaan waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin dagaalka uu Shabaab kaga qaaday seddex meelood oo ay dowladda Ingiriiska taageertay kuwaas oo kala ah:
- Dhinaca milatariga oo ciidanka oo CXDS ay ka faramroojiyeen fariisimo waaweyn kana xoreeyeen gobollo badan oo ay dadka u ciqaabi jireen, iyagoo ku tuman jiray xuquuqda aadanaha oo ay Britain hormuud ka ahayd weligeed.
- Dhinaca dhaqaalaha oo dhuunta loo galay, lagana jaray dhaaqle badan shabaab iyo taageerayaaasheeda. Waxaana xataa dhici karta inay ku jiraan kuwaan hadda raba inay amaanka iyo isku duubnida shacbiga Somaliyeed Khalkhal geliyaan iyagoo isticmaalaya sharciga xorriyadda bannaanbaxa ee dalka Ingiriiska. Waayo iyadoo madax aad u badan ay dalkaas ku fool leeyihiin inaysan suuragal ahayn in koox yar oo Somali ah oo buuq sameyn raba inay boliiska UK u dulqaataan, iyaadoo la hubo in boliiska, gaar ahaan kuwa boliiska London in ay u taallo hawl aad u muhiim ah, taas oo ah inay sugaan ammaanka malaayiin shacab ah oo u soo daawasho tagaya caleemasaarkii ugu weynaa taariikhda Ingiriiska iyo boqollaal madaxda caalaamka ah oo joogaa maalmahaas si ula hadlaan jaalliyadahooda ku dhaqan dalka Ingiriska iyo Yurub kala yimid.
- Dhinaca Caqiidada oo ay dhammaan culimada Somaliyeed u midoobeen Suufi iyo Salafi ama islaax iyo koox kasta oo ay yihiin, sheegayna in waxa shabaab ku dagaallamayaan aysan ahayd Diin ee ay tahay dulmi shaati diineed loo geliyey.
Isku soo duub la dagaallanka Shabaab iyo taageerayaashiisa gudaha dalka iyo dibadda ha joogaan ma jirto cid u soo baxayso inay taageerto bannaanbax shaatiyo kale loo geliyey oo looga horjeedo Xasan Sheekh waqtigaan oo uu socda dagaalka Shababka.
Mid kamid ka mid ah xildhibaanada maankooda hadla Xil. Cabdiraxman C Shakuur ayaa si cad u sheegay in dagaalka Shabaab lagu fiirsaday MW Xasan Sheekh. Kuwa raba inay hadda Yurub uga bannaan baxaan waxaa la gudboon inay ka qeyb galan kan lagu taageerayo tallaabooyinka lagu diirsaday ee uu Xasan Sheekh Shabaab ka qaaday.
Dhinaca dowladda Ingiriiska waxaa la gudboon inay ka foojignaato waxyaabo keeni kara inay bulshada ku dhaqan UK, gaar London sii kala fogeeyanaya, waayo waa xelli farxad iyo damaashaad lagu soo dhoweeyo Boqorkooda Cusub boqor Charless III oo ah shaqkhsi aad u qiimo badan marka islaamka laga hadlayo.
Waa inay ku baraarrugaan inay noqon doonaan laba bannaabax oo iska soo horjeeda oo keeni kara buuq aan loo baahneyn xelligaan. MW Xasan Sheekh waxaa uu mar waliba soo dhoweeyaa in la bannaanbaxo halkii qori la qadan lahaa oo la is dili lahaa wax dhib ahna kuma hayso inay koox ku buuqdo, waayo waxaan xusuusanna markii uu tagay Mgaalada ay Somalida ugu badan tahay dalka Mareykanka ee Minneapolis oo loo sheegay kuwa aan ku ra’yi ahayn ayaa bannaanka boorara la tagaan haddii uu yiri “ Waxaa uu ahaa waa Alle mahadiis haddii markaan kala ra’yi duwanaanno aan boorar soo qaadaneyno oo aan qoryo soo qaadaneyn”
Somalida UK ammaanka dalka ay ku nool yihiin haka qeyb qaataano ma ahan xelli la sameeyo bannabax carqalada abuuraya oo waa xelli ay dadka dalkaas rabaan in la muujiyo farxad iyo reyn reyn lagu soo dhoweynayo boqorkooda.
Ha ku fiirsan dagaalka Shabaab MW Xasan Sheekh ee si Sharaf leh uga qeyb qaado oo jooji waxkasta oo taageero u noqon kara Shabaab. Ogoobey Marka ay arkaan shabaab koox bannaan baxa ka sameyneysa UK waxay Shaashado waaweyn u saarayaan dadka ay Xooga ku haystaan iyagoo u sheegaya dadkaas ku bannaanbaxaya Xasan Sheekh ayaa idin ka diin fiican jannada galaya. Marka fursad ha siinin inay u fududaato shabaab oo wiil dhallainyaro ah oo soo marin habaabiyo caashana loo geliyo geesiyaasha XDS oo aan cidna soo wajihi Karin xelligaan.
Waxay dab ku soo shidaan waa caruurta ee odayaasha ma soo galaan dagaalka Abwaan dhallinyaro ah aaaa heestaan ka tiryey:
Iga daa ha iidhiibin adeer Qoriga ha iidhiibin
Dhamacdiyo kulaylaha Xun Markay xabadu dhowkanto
Waxaad tahay kan dhofaya Dhalaan kiisa raranaaya
Dhul shisheeye geesanaya Anigana dhibtiyo howsha
Qaxa dhabarka saaraaya Hooyadiina dhimanayso
Aabihii dhadhaabaaya Walal kiisna dhiig baxayo
Asna dhagaha beelaaya Dhugta iyo madaafiicda
Waxaan ahay kan dhakafaara Adeer Qoriga ha iidhiibin