Qaar kamid ah dadka kunool Magaalada Beledweyne oo ay wehlinayeen kuwa la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa ay Magaalada Beledweyne ka dhigeen dibadbax looga soo horjeeday Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Banaanbaxaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ay soo baxeen in Magaalada Beledweyne uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle ay rasaas ku fureen qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo dhankooda ay la socdaan Ciidamo uu wato Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.
Xaaladda Magaalada Bedweyne ayaa xalay aheyd mid kacsan, waxaana dadka banaanbaxayaasha ah ay sheegayeen in marnaba aysan aqbali doonin in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu yimaado Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Bannaanbaxaan rabshadaha watay ee ka dhacay Magaalada Bemedweyne ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Magaalada Muqdisho uu yimid hoggaamiyaha kacdoonka lagu diidan yahay Maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo lagu Magacaabo Janeraal Xuud.