Banaanbax lagu taageeri lahaa Farmaajo oo baaqday iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la qorsheeynaayay in Magaalada muqdisho ay ka dhacaan dibad-baxyo lagu taageeraayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sida ay MOL ogaatay dibad-baxaasi ayaa waxaa qabanqaabinaayay Maamulka Gobolka banaadir oo sida la sheegay lagasoo amray Villa Soomaaliya,Gudoomiyayaasha degmopoyinka ee xalay lagu wargeliyay in ay diyaariyaan urarada haweenka ayaa hadana saakay lagu amray in ay baajiyaan.

Sababta ugu weeyn ee arintaani ayaa waxaa lagu tilmaami karaa mid fashilan maxaa yeelay,xalay ilaa saakay waxaa baraha bulshada la hadal haayay banaanbaxyadaasi,taasi villa soomaaliya fashil u aragtay.

Dhanka kale waxaa culeeys ku noqday imaanshiyaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame oo qudhiisa la qorsheeynaayo in uu qabsado banaanbaxyo lagusoo dhaweeynaayo

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!