Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Xirnaashaha Wadooyinka oo Muqdisho Gilgilay

Reading Time: < 1 minute

Boqolaal ka mid ah Darawalada ku shaqeysta Gaadiidka dadweynaha ee lagu Magacaabo PL-ka ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay Banaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay guud ahaan xiratay Wadooyinka Muqdisho.

Darawalada oo ah kuwo careysan ayaa dhagxaan tuuraya , waxaana ay xireen qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho.

Jidadka ay xirteen waxaa ka mid ah Zoobe, midka Buulo-Xuubeey iyo qaar kale, waxaa kale oo la diiday xitaa gawaarida ciidamada iney maraan.

Darawalada ayaa sheegay in dowladda ka rabto Canshuur joogto ah , iyagoo aan heysan Wadooyin ay maraan, islamarkaana ay sii wadi doonaan banaanbaxa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!