Banaanbax ka dhan ah Maraykanka oo lagu qaban lahaa Balad-Xaawo oo la joojiyay

Reading Time: < 1 minute

Banaanbax uu soo qaban-qaabiyay Madaxaweyne Farmaajo loogana soo horjeedo dowlada Maraykanka oo lagu qaban lahaa magalaada Balad-Xaawo ayaa maalintii labaad la baajiyay kadib markii ay ciidamada Jubbland ay tacshiirad ku fureen qaban-qaabiyayaasha banaanbaxaas.

MW Farmaajo ayaa ku eedaynaya dowladaha Maraykanka iyo Dowlada Kenya in ay taageero siinayaan hogaanka Jubbaland, kana soo horjeesteen qorsha uu ku doonayay in uu xoog ku qabsado Dowlad Goboleedka Jubbland.

Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay dar-dar galisay la dagaalanka Ururka Al Sbabaab, waxaana ayna xulufo la sameeysatay Hogaanka Dowlad Goboleedka Jubbland iyo dowlada Kenya.

Talaabada uu Farmaajo ka qaaday degaanka Balad-Xaawo ayaa waxa ay sii fogaynaysaa taageeriida ay Maraykanku siin lahaayeen dowlada   Fedaraalka. Waxaa fajac ku noqotay dowlada Maraykanka in dowladii ay mudada taageerayeen ay maanta bilaabeen in ay hogaanka u qabtaan ficilo looga soo horjeedo Dalka Maraykanka isla markaana dhaawacaya danaha Maraykanka.