banaanbax ka dhacay Jalalaqsi & Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaasi oo Maanta barqadii ay ku dagaalameen Ciidamada Jabuuti oo kamid ah howlgalka AMISOM iyo Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay,kadib markii Maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in la hawada laga saaro lana demiyo Xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray,kadibna ay howlo mina baaris ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen.

Ciidamada Jabuuti ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay gebi ahaan la wareegeen Xarumaah uu ku Shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi,kadib markii Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle dagaal looga saaray degmada Jalalaqsi.

Dhinaca kale waxaa gudaha degmada Jalalaqsi ka dhacay banaanbax ay dhigeen qaar kamid ah bulshada degmadaasi,kaasi oo looga soo horjeeday Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ee dagaalka la galay kuwa Hir-Shabeelle.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa taayaro ku gubay wadooyinka degmada Jalalaqsi,waxaana taasi ay sababtay in ay hakad galaan isku socodka Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsi ee Magalada oo badi Maanta xiran.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid Ciidamada Jabuuti,isaga oo sheegay inay doonayeen inay soo furtaan Nin Maxbuus ahaa.

Xaalada degmada Jalalasi ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana jirtay in saakay waaberigii hore uu ka dhacay qarax uu hal ruux ku geeriyoodeen xilli ay howlgalkaasi ka wadeen Ciidamada Jabuuti oo kamid ah Ciidamada AMISOM