Banaan-baxyo kala duwan oo Muqdisho ka socda (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saaka ay ka socdaan banaanbax ay dhigayaan   darawaladda gaadiidka dadweynaha.

Waxa ay ka cabanayaan in lacag badan laga qaado ka dibna aysan heysan wado ay maraan, oo jidadkii ay xirteen Ciidanka Dowladda.

Dhanka kale Banaanbax rabashado wata ayaa ka socda Isgoyska Howlwadaag ka dib markii Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu dilay Mooto Bajaajle iyo ruuxii saarnaa Mootada.

Darawaladda Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ayaa sheegay in ay banaanbaxa wadayaan tan iyo inta Caddaaladda la horkeenaayo Askarigii dilay dadka Shacabka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiran inta badan Wadooyinka muhiimka ah,waxaana heysta dhibaatooyin dadka Shacabka ah.