Banaan-baxayaal xanibay isku socodka gadiidka oo ka socda KM4 (SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Isgoyska KM4 waxaa ka socda banaanbax ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysta mootooyinka ka dib markii lagu wargeliyay ineysan ka shaqeyn karin wadada aada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dhalinyaradaan mootooyinka kaxeeya ayaa qaadi jiray dadka u socda garoonka diyaaradaha, hoteelada iyo xarumaha ganacsi ee ku yaalla nawaaxiga garoonka.

Isku socodka gaadiidka ayeey xanibeen sida aan wararka ku heleeyno,waxaana ay dalbanayaan in go’aankaasi lagu cunaqabateeynaayo laga laabto.