Jimcaha maanta, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto bannaanbax looga soo horjeedo go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel.
Donald Trump, ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro Magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo Magaalada Qudus, taasoo ka careysiisay dunida Muslimka.
Muslimiinta, ayaa qaarkood dhigay bannaanbaxyo ay ku muujinayan sida ay kaga careysan yihiin tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay isu soo baxyo sameeyan.
Magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah magaalooyinka la doonayo in Jimcaha maanta lagu qabto bannaanbax si weyn loogu cambaareynayo go’aanka ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka.