Banaan Bax Loga So Horjeedo Askari Dil Ugeystay Mid Ka Mid Ah Wadayasha Moto Bajaajta oo Muqdisho Ka Dhacay&Dhaamada Togashada Nuucan Ah oo Sii Kordheysa

Reading Time: < 1 minute

Iyado dalku ay ka jirto shaqo la’aan xoogan oo heysata dhalinyarada ku dhaqan soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho,aya waxa ay dhalinyaro badan ay shaqo abuur ku sameysteen gadiidka fudud ee dadka qaada ee loo yaqaano Bajaajta oo ah Gadiidka ugu badan ee hada Caasimada laga isticmaalo.
Caqabado xoogan aya hada soo food sartay dhalinyaradasi iyado tira dhowr jeer ah lo geytay falal ka baxsan bini adanimada,Xiliyada Qaar waxa dhacda in askariga taagan wadooyinka uu la dhaco garaacis ama uu ku wax yeleyo qoriga afkisa iyado dhalinyaradasi ay yihin kuwa u dulqaadanaya xalada adag ee Somaaliya.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo aya hada isku dayeysa in dhalinyaro badan ay kaso kaxeyso libiya,balse waxa wax badan la iska weydinaya iyado xuquuqdi ay mudnayen aysan hayesan dhalinyaerada ku dhaqan caasimada muqdisho iyo soomaaliya weliba wadoyinka muqdisho ay ku waxyeleyan ciidamada dowlada,xalay ayayna ahyed in mid ka mid ah darawalada gadiidka Bajaajta uu askari ka tirsan dowlada ku dhex dilay Caasimada muqdisho muqdisho gaar ahan taleex.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay Banaanbax looga soo hor-jeedo dil Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya xalay uu ugeestay mid ah Darawalada Mooto Bajaajta.

Banaanbaxa ayaa ka dhacay KM4 waxaana muddo hakad galay isku socodka Gaadiidka iyo dadka, Saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobtii uu Banaanbaxa ka socday kuwaas oo ku guuleestay in ay markii dambe joojiyaan Banaanbaxa.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogtay Wiil dhalinyar ah oo waday Mooto Bajaaaj xilli uu marayay Nawaaxiga Taleex ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka dhintay ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray kaas oo loo dhigay Isbitaalka Daaru-shifa ee magaalada Muqdisho .