Waaberigii hore ee saakay ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM waxa ay Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad ku dileen laba Ruux halka mid kale ay dhaawaceen.
Labada ruux ee dhimatay iyo midka dhaawaca ah ayaa waxa ay wateen Gaari Dameer,waxana Jiiraay mid ka mid ah Gawarida AMISOM oo ka soo baxay Xero ay ku leeyihiin Xaafada Xaawa Taako.
Mid ka mid ah ehelada dadkaas oo lagu Magacaabo Binti Maxamuud Shigow oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM si ulakac ay Gawarida u jiirsiiyeen Saddex Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wiil jiray Da’da 25,isl amarkaan ay goobta isaga tageen.
Waxa ay sheegtay in labada Ruux ay goobta ku dhinteen mid kalen auu qabo dhaawac halis ah intaasi kadibna ay sameeyeen banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkaas.
sikastaba ha ahaatee ilaa iyo haatan ma jirto cid ka hadashay dilka ay ciidamada amisom u geeysteen dadka shacabka ah ee ku nool magaalada balcad.