Bam gacmeed lagu weeraray guriga mas’uul ka tirsan maamulka G/ Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Waxaa weerar loo adeegsaday bam-gacmeed  lagu qaaday hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyey guri uu dagan yahay C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkenley, kaas oo ku yaalla xaafadda Xasan Jiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyaahay.

Kooxo hubeysan ayaa lagu warramayaa in illaa laba bambo ay ku dhufteen guriga guddoomiye Shaarkey oo xilligaas ku sugnaa goobta isaga iyo askar ilaali u aheyd, waxaana la soo wariyay inay ka bad-badeen weerarkaasi, marka laga tego burburka guriga.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan bambaano uu ku dhintay wiil yar oo 14 sano jir ahaa isla-markaana qoyskiisa ay daris la yihiin mas’uulka la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana howlgallo kooban sameeyay ciidanka ilaalada ee guddoomiyaha arrimaha bulshada degmadaas, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.