Bam Gacmeed lagu Weeraray Guri ku yaala Muqdisho oo lagu caweenayay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Warar kala duwan ay ka soo baxayaan weerar culus oo Xalay lagu qaaday Guri ku yaala Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaana Weerarka loo adeegsaday bam gacmeed.

Guriga ayaa marka la weeraryay waxaa ku sugnaa Dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho waxaana Gurigaa uu ahaa mid jaam ah oo xilayada habiinkii waxaa isugu imaan jiray Dhainyaro aad u badan.

Khasaaraha Weerarkaa ka dhashay ayaa waxa uu gaarayaa dhaawaca 10 ruux oo Guriga ku sugnaa ilaa iyo hada lama soo werin wax dhimasho ah waxaana dadkaa xaaladooda lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!