Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo saacadihii ayaa magaalada ay ka galeen howlgallo xoog leh soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ku lug-lahaayeen Nabadoon xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada.
Taliyaha booliska degmada Beledweyne Bishaar Xuseen Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in tiro dad ah ay u soo qabteen dilkii xalay Beledweyne loogu geystay Allaha u naxariistee Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere).
Marxuumka oo ka tirsanaa ergadii wax kasoo dooratay baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Taliye Bishaar ayaa sheegay in dilkaas kadib ay howlgallo culus magaalada ka bilaabeen, isla markaana ay soo qabteen dad badan oo lagu tuhmayo inay ka mid yihiin xubnaha Al-Shabaab u jooga magaalada.
Beledweyne waxaa mar sii horeysay ka bilaabatay beegsiga ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaaladaas ka jirta cabsi amni oo xoog leh