Baladweyne Fariisin Ciidamada Hirshabeelle oo laweeraray

Reading Time: < 1 minute

Rag hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaaday Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle ku leeyihiin gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in weerarka uu sigaar ah uga dhacay Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidanka oo ku yaalla xaafadda Buunda weyn ee Baladweyne, waxaana ciidanka lagu tuuray Bambada ay ahaayeen kuwo ilaalo ka haayay Buundada.

Ciidanka ayaa weerarka kadib furay rasaas dhowr ah oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay oo gaaray dad shacab ah, maadaama goobta xiliga uu weerarka ka dhaacayay ay ka agdhawaayeen.

Ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday ayaa waxaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, isla markaana waxaa intaas kadib howlgal amniga lagu xaqiijinayo sameeyay Ciidanka dowladda Federaalka ee magaalada Baladweyne.

Weli Maamulka Baladweyne iyo Saraakiisha amniga Magaaladaas ayaa ka hadli weerarkii xalay dhacay, waxaana dhowr mar halkaas ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro geystay khasaaro kala duwan.