Bajaajleeyda gobolka Gedo oo amar culus la dul-dhigay!!

Reading Time: < 1 minute

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay maamulka degmada,Saraakiisha laamaha amniga, dhalinyarada kaxeeysa Mootada loo yaqaano Bajaajta iyo Milkiilayaasha Bajaajta.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay amniga guud ee Degmada Luuq,iyadoona maamulka degmdaasi uu  Amarro cusub ku soo rogay dhalinyarada wada Mooto Bajaajta ee ka shaqeysa halkaasi

Amaradan Cusub ee ay soo kordhiyeen Maamulka degmada Luuq ayaa waxaa ka mid ahaa in Bajaajleydu aysan tagi karin goobaha ka baxsan degmada Luuq sida tuulooyinka hoos yimaada .

Ugu dambeyntii maamulka Luuq ayaa dhalinyarada deegaanka kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga,si looga hortego falalka amni daro ee mararka qaar dhaca.