Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka geysteen laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal wade Mooto Bajaajle.
Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu ku dhowaaday gaariga ay saarnaayeen ciidamada, kadibna ay rasaas isaga reebeen, taas oo sababtay geeridiisa.
Tani waxay kuu cadeyneysaa Cabdsida ciidanka haysa, ammaanxumada magaalada, ciidanka oo aan ka balein ciqaab sharciyeed iyo in loo tabsado hofkaas ay Eileen iyo Bajaajla yaasha oo aan naftooda aan laga wacyi gelin inaan ciidanka lagu dhowaan iyo ciidanka oo aan loo sheegin inaysan xabad ku furi karin shacbiga.
Allaha u naxariistee marxuum Mahad ayaa la daala dhacayay nolosha reerkiisa, wuxuuna deegaan ahaan ku noolaa degmada Dharkenley, sida ay innoo sheegeen dad yaqaanay.
Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana dilka wiilkan dhalinyarada ah ka dhashay caro dadweyne.
Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay, ayagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.
Dibaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi dhaliyay carada dadweynaha, gudoomiyaha Gobolka, Taliska Boliiska, wasaaradda Arrimaha gudaha, tan amaanka iyo madaxda sare oo u muuqdo inay isaga jiraan maalin caadi ah.
Dilalka loo geysto wadeyaasha Mooto Bajaajta ayaa aad soo batay mudooyinkii dambe, mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada ama loo dilay waayo waxay noqdeen looma ooyaan rasmi ah.