Badalka Khariidada “ Somaliland”  waa  Go’aanka  Muuse Biixi

Reading Time: 3 minutes

Waa dhab in Siyisiiyiinta Somaliland ay weligood ku faraxsaneyn sida uu dalku guud ahaan ku socday 63 sano ee uu gobanimada haystay, laakiin halkii ay dharka u xeran lahaayeen inay saxaan oo dalka waddo hagaagsan ku jiheeyaan waxay siyasiyiintu gosteen inay kala dhantaalaan awoodda iyo wadajirka,  oo ah waxa xoogga lagu leeyahay, looguna babac dhigi karo Qowmiyadahan Itoobiya ee khasabka ay amxaaro ku qabsatay beri hore maantasa jooga in ay qowmiyad waliba u tashato dadkeeda iyo degaankeeda.

Horaba waa bilaabatay arrintaas maantaba Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen iyo Wasiirkiisii Caddaaladda Gedion Timotheos ayaa ka tagay dowladda dhexe dadkooda ku biiray, horayna waxaa u tagay W/K/Xigeenkii Amniga.

Sheegashada taariikhiga ah ee Itoobiya iyo hadaladii dhawaan ka soo baxay Abiy iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa tilmaamaya in la doonayo in la helo “meel joogto ah oo la isku halleyn karo” oo ah marin-badeedka badda ee dalka Itoobiya . Sidaa darteed, qorshaha saldhigga badda, deked ganacsi, iyo buundada dhulka ballaaran ugu dambeynta waa khidad lagu kala goynayo Somalida ( Somaliland iyo Jibuuti, Somaliya iyo Jibuuti) sida ka muuqata khariidada.

Kahriidadan waxaa ka muuqata in Itoobiya ay rabto inay geeska Afrika dib u qaabeyso oo Somaliya ka goosato marin dhuleed ay ku gaarto badda halkaasna ay ku kala jarto Somaliya iyo walaalaha Jibuuti.

 Waxaa jirta khatar aad u badan oo ah in Itoobiya ay ku rabto inay darsato dhulkeeda inta u dhaxeysa Somaliya iyo Jibuuti, maadaama Itoobiya oo aan jaar nahay waligeed ka tanaasuli doonin aragtida istiraatiijiga ah inay dhulka Somaliyeed qeyb ka goosato.

Hashiiskan is afgarag xataa haddii sidiisa loo dhaafo dadka Somalilanderka ah ee caqliga u saaxiib ah waxaa u muuqata  in haddii xiriirku xumaado Itoobiya inay door bidayso ku darsasho xoog ah inta hadda loo saxeexayo, sida tusaale ahaan gobolka Ukraine ee Crimea oo lagu daray Russia.

Dalka Itoobiya hadda waxaa u uku jiraa xaalad aad u adag oo keeni karta kala dadaadasho, waana sababta uu Abiy si naf la caarinimo ah uu marba qorsho khaldan iyo dagaal ugu boodayo.

Waxaa la hubaa  awoodda Itoobiya ay ku  ixtiraami karto heshiis kasta oo lacag bixin ah inuu yahay mid aad u liita iyadoo la eegayo xaqiiqda ah in bishii hore (Dec 2023) uu waddankan ku guuldareystay inuu bixiyo $31 milyan oo dulsaar ah, waana sababta aysan Itoobiya Somaliland ugu sheegin inay lacag uga kireysaneyso dhulka iyo saldhigga ee ay ugu sheegaty in saamiyo ka siineyso Shirkada Dayuuradaha iyo tan Isgarsiinta.

Arrintaan oo aysan dad badani ku baraarurgsaneyn Sharci ganacsi ahaan, waayo haddii shirkadda kacdo ama si caqli ah loo kiciyo wax aad ku leedahay khasaaraha sida aad fa’iidada wax ugu lahayd waana inaad qeybtaada ka qaadataa bixintiisa  sharciyan.

Imisa shirkada dayuuradeed oo caalami ah ayaa kacay oo dadkii  iyo dalalkii saamiyada ku lahaa ka fara maran yihiin maanta, lakiin dhulka iyo badda midna ma kaco. Tusaale Shirakaddii ugu weyneyd waqooyiga Amerika ee PAN AM, tii Swiss Air oo laga lahaa dalka magaca iyo maamsuka dunida ku leh ee Swizerland, Sabena oo Belgium laga lahaa iyo kuwa badan hanti malaayiin lahaa ayaa kacay oo aan maanta jirin. Sidoo kale tira ma leh shirakadaha Isgaarsiinta ee ka kacay 23 sano ee tagtay.

Dhulka oo la qaato, Somaliya iyo Jibuuti oo la kala gooyo, Shirkadaha oo la kiciyo muddo ka dib magac kalana lagu diiwaan geliyo, dekada Berbera oo jilbaha dhulka loogu dhufto waa dhawac iyo dhiibaateyn gacan hoorsi ah oo ay Itoobiya la damacsan tahay Somaliland iyo guud ahaan Somalida.

Muddo 20 sano ka yar dhulka Somaliyeed ee waqooyiga waxaa uu qorshuhu yahay  inuu qeyb ka noqdo Itoobiya, Oramaduna dhulkaas la wareegto maadaama ay hadda joogaa ilaa 100, 000 oo Oromo ah ilmahooduna ay si fiican af Somaliga ugu hadlaan.

Isku soo duub Muuse iyo Siyaasiiyinta reer waqooyiga ee wali goonni isu taagga ku dheygagsan waa inay dib u fekeraan, si fiicanna ula fadhiistaan koofurta waayo marka ay Koofurta wax la qeybsadaan waxay noqon karaan cudud wax miisaanta oo qeyb weyn ku leh horumarka muuqda ee u qaranka wadajirka ku yeelan karo isagana xajin kara deriskan sida joogtada ah u raba inuu qeyb qeybiyo si uu u kala qaato.