Badalka Gudoomiye Yarisow oo Ay Diyaariyeen Kooxda Qiyano Qaran iyo Kala Aragti Duwanansho ka dhex Jirta Dhexdoda

Reading Time: < 1 minute

Ilo ku dhaw Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ino shegay in ay ku kala aragti duwan yihiin xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiye Yariisow. 

Xog aan helnay waxay sheegeysaa in farmaajo uu Muqdisho keensaday shaqsigii xilkaasi u magacaabi lahaa, kana keensaday dalka Maraykanka.

Kheyre ayaa la tilmaamay inuu ku dhegay Yariisow, una sheegay in aanay macquul ahayn sahal in xilka looga qaado.

Farmajo ayaa u sheegay Kheyre in haddii uu daneynayO Yariisow ay wanagsan tahay inuu kusoo darsado golahiisa wasiirada oo boosas badan ka bannan yihiin.

Waxa maalmahan dambe soo baxay warar hoose oo sheegayey in xilka laga qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, warkasi oo ah mid sax ah xigashadiisuna ay sugan tahay.