Baarlamanka Puntland oo lagu wado in uu maanta doorto xubnaha Aqalka Sare

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Arbaco ah dooranaya xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland. Guddi ka tirsan Baarlamanka oo qabanaya doorashada Aqalka sare, ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen dhammaan murashixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare.

Madaxweyne Deni ayaa habeen hore soo saaray liis ka kooban 22 xubnood uu u sharraxan kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, kuwaas oo la doonayo in 11 xubnood oo keliya ka soo baxan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!