Baarlamanka Puntland oo dhawaan ansixin doona wax kabeddelka Dastuurka

Reading Time: < 1 minute

Baarlamanka Puntland ayaa qorshaynaya in ay dhowaan isugu yimaadan fadhi aan caadi ahayn si ay u ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamanka ay isu diyaarinayaan fadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wax ka beddelka Dastuurka Puntland.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa khamiistii ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland gaar ahaan qodobka 46-aad si loo kordhiyo xisbiyada ka soo baxaya doorashada qof iyo cod.

“Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo xisbiyada siyaasadda 5 xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh goluhu u ansixiyey loo gudbinaya golaha wakiillada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka wasiirada Puntland.

Qodobka 46 ee la soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo ayaa markii hore qeexayay in saddexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland ay noqdaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.