Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay isku raaceen in ay shaqada ka joojiyaan Taliyeyaal dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Waare.
Waxa ay xildhibaanada u cuskadeen shaqo ka joojinta ayaa waxa ay ku sheegeen in Madaxweynuhu sifo sharci daro ah u maray magacaabistan.
Xildhibaanada waxa ay shegeyn in marka hore ay aheyd in la magacaabo Guddiyada Amniga, lana saxo qodobo ka mid ah Dastuurka oo ay sheegeen in Waare uu ku xad gudbay.
Xildhibanadu ayaa sheegay maamulka inuu ku dhisan yahay Dastuur, loona baahan yahay talaabo walba oo la qaadayo in si nidaam ah lagu meel mariyo.
Xildhibaanada maamulkasi aya ku kacsan maamulka hada talada haya ee Maxamad Cabdi Waare kuwaasi oo la shegay tiradi ugu badneyd ee haatan saxiixday mooshin xilka loga tuurayo
Sidoo kale Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedkii ugu horeeyay ee anisixiyaan tan iyo markii la aas aasay, kaas oo noqday Hindise Sharciyeedka xeerka Maareynta Maaliyada Maamulka Dadweynaha.