Baarlamaanka Uganda oo ku baaqay in la aqoonsado Somaliland 

Reading Time: < 1 minute
Waxaa magalaada Hargeysa ku sugan wafuud ka socota dalalka ku yaala Geeska Africa gaar ahaan wadamada Kenya iyo Uganda iyaga oo ka qayb galaya  xafladaha lagu xusayo sanadguuradda gooni isku taaga dalka la magac baxay Somaliland.
Wafdiga ka socda Baarlamaanka Uganda oo uu hogaaminayo gudmoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Baarlamanka Uganda ayaa isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ku baaqay in si deg deg ah loo aqoonsado dalka la magac baxay Soomaaliland.
Mudane Hood Katuramu ayaa hadalkiisa ku sheegay in la joogi xiligii la aqoonsan lahaa horumarka, wanaaga iyo amaanka uu gaaray dalka la magac baxay Somaliland.

Labo asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markii dowlada Kenya ay sheecisay in ay ka furarayso magalaada Hargeysa xafiis hor dhac u noqonayo in safaarad buuxda Kenya ka furato magalaad Hargeysa.