Baarlamaanka Soomaaliland oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Sool

Reading Time: < 1 minute

Mudanayaal  ka tirsan golaha baarlamaanka ee Somaliland ayaa waxaa ay ka hadleen colaad beeleed  ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo colaada colaada ka taagan deegaanada Horufadhi iyo Beeyo Macaan ee ka tirsan gobolka Sool.

Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil, Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo labaduba ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Xildhibaan Maxamed faarax Qabile oo ka mida golaha wakiillada ee Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in  deg deg ah loo joojiyo colaada ka taagan deegaanka Horufadhi , islamarkaana laga shaqeeyo nabadda wada noolaanshaha bulshada.

Sidoo kale mudanayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in shaqaaqooyinka ka dhacay gobolka Sool ay wax badan u dhimi karaan nabada iyo xasilooniada deegaanada Soomaaliland.