Baarlamaanka Somaliland oo Logu edeyay In Ay Dhaafeen Waqtigoodi

Reading Time: < 1 minute

Ismaaciil Hurre Buubaa oo xubin ka ah xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in lakala diro Baarlamaanka maamulkaasi.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa shegay in Xubnaha Baarlamaanka Somaliland ee kuraasta ku fadhiya ay waqti badan fadhiyaan islamarkaana aysan jirin doorasho baarlamaan.

 

Xildhibaanada ayu shegay in loogu talagalay in shantii sanaba mar la doorto balse kuwa hadda jooga ay 10 Sano dhaafeen islamarkaana waliba sii fadhiyaan.

 

Waxaa uu ka digay in haddii ay sidaa ku sii socoto in ay tagi doonto mar ay dhahi doonan nalama beddeli karo,taas oo uu sheegay in ay muhiim tahay in hadda laga hortago oo lakala diro sida uu sheegay.

 

Ismaaciil Hurre Buubaa aya horay uso aha Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,haddana waa xubin ka ah xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland