Baarlamaanka Puntland oo magacaabay guddiga doorashada Guddoomiyaha Cusub kadib xil kaqaadistii Gudoomiye Dhoobo

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo sidoo kale socod-siinta dhammaan hawlaha doorashada guddoomiyaha cusub.

Ku simaha guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka bishan  November oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyihii hore ee Maamulka Puntland ee xilka laga qaaday

mm
Axmed Nageeye

Muqdisho Online main headquarter is in Mogadishu, Somalia, but the office remains anonymous, because of constant threats against its staff.Email us at [email protected]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here