Magaalada Garowe ayaa saakay ku jirta marxalad siyaasiyadeed oo xasaasi ah, iyadoo isha lagu hayo furitaanka kalfadhigga barlamaanka Puntland. Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Garowe, gaar ahaan aagga xarunta barlamaanka Puntland, xilli uu saaka furmayo kalfadhiggii ugu dambeeyay ee barlamaanka Puntland.
Xalay warqado digniin ah ayaa lagu daadiyay Garowe, iyadoo dadka loogu digayay inay fogaadaan aagga xarunta barlamaanka, oo laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan.
Lama oga sababta ka dambeysa arrintan, hase yeeshee siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey barlamaanka uga digay inuu qaado tallaabo ku saabsan wax ka beddelka dastuurka.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu barlamaanka saakay horgeynayo in dastuurka la furo, si wax looga beddelo tirada ururada xisbiyo u gudbi kara.
Waxaa kaloo madaxweyne Deni laga sugayaa inuu barlamaanka ka horjeediyo sababta doorashadooda u baaqatay saddexda degmo oo ay magaalada Garowe kamid tahay.
Xalayna xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo katirsan barlamaanka Puntland ayaa Garowe loogu geystay jirdil ay ka dambeeyeen koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, inkastoo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada.
Xildhibaankan ayaa kamid ah dadka aadka ugu dhow madaxweyne Deni. Wuxuu shalay ka hadlay arrimaha doorashadda, isagoo duray siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan doorashada.
Baarlamaanka Puntland oo maanta furmaya iyo xiisan ka jirta Garowe
Reading Time: < 1 minute