Baarlamaanka Puntland oo Maanta Dooranaya Gudoomiye cusub iyo xaalada oo kacsan

Reading Time: < 1 minute

Sida uu qorshaha yahay maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Garowe ay ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Axmed Jaamac Cabdulle Gudoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada maanta ay dhaceyso, maadaama balanta ay aheyd 14ka Bishan.

Waxa uu sheegay illaa Saddex Musharax inay u taagan yihiin xilkaasi oo ay ku tartami doonaan, islamarkaana Xildhibaanada ay kala dooran doonaan Musharaxiintaasi.

Musharaxiinta tartamaysa ee xilkaan u taagan ayaa waxa ay kala yihiin.

1-Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yusuf Jibriil.
2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).
3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo horay xilka uga qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ayaa maanta dooran doona shaqsiga ay u arkaan inuu hoggaamin doono Baarlamaanka Maamulkaasi

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!