Baarlamaanka Puntland oo la filayo inuu maanta magacaabo Guddiga Doorashada Aqalka sare

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta oo Khamiis ah la filayaa in Baarlamanka Puntland   yeesho fadhiga 16-aad ee Kal-fadhigooda 48aad, kadib markii ay ka soo laabteen fasaxii Ciidda Carrafo. Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan lagu magacaabaya guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan maamulidda doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare. Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda oo ku beegan 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!