Baarlamaanka Puntland oo dib uga doodayo heer-hoosaadka khilaafka ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaannada Baarlamanka  Dowlada Goboledka Puntland oo maanta  ka soo laabtay saddex maalmood oo fasax ah ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda. Hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland ayaa Baarlamanku dib ugu celiyay wasaaradda Warfaafinta, waxaana xildhibaannada lagu wargeliyay in ay fasax yihiin mudda afar maalmood ah, islamarkaana dib u soo laabtan Khamiista todobaadkan.

Fasaxa xildhibaanada ayaa ku soo aaday, iyadoo isu- soo dhowaansho laga muujiyay khilaafkii ka dhashay wax-ka beddelka xeer-hoosaadkii Baarlamanku ansixiyay, kadib wada-hadal dhexmaray dhinacyada. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa sida wararku sheegayaan kulamo gaar ah la yeelan doona xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamanka, si loo xalliyo murankii ka dhashay wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka.