Baarlamaanka oo la isugu yeeray kulan uu codsaday RW Hamsa

Reading Time: < 1 minute

Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa kulan isugu yeeray Beri oo Isniin ah xildhibaannada, iyadoo ajenduhu yahay codsi ka yimid Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Farriin loo diray xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loogu sheegay inay kasoo qeyb galaan shir Kulan Beri oo Isniin ah, taariikhdu tahay 25 July 2022 dhici doona, kaasoo ajendihiisu yahay: Codsi ka yimid Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sida ay sheegeen warar hore u soo baxay Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa la filayaa inuu Golaha shacabka ka dalbado muddo kordhin la siiyo si uu u dhammmeystio dhismaha xukuumadda cusub, iyadoo ay caqabado kasoo wajaheen.

Xamsa Barre waa Ra’iisal wasaarihii uu horeeyay muddooyinkan ee ay muddo ka badan bil ku qaadato dhismaha Golaha wasiirada, una baahda in waqti kordhin loo sameeyo.