Baarlamaanka Midowga Yurub oo laga yaabo in uu ka shiro falkii ka dhacay Baydhabo iyo doorka AMISOM

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka socday shaqaaqooyin xoogan kuwaasi oo bilaawday markii ciidamo itoobiyaan ah oo qayb ka ah ciidanka AMISOM ay xoog ku soo afduubteen Musharaxa Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali.

Ku dhawaad 25-ruux ayaa dhacdadaasi awgeed u geeriyootay kuwaasi oo ay ku jiraan xildhibaan iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan maamulka K/Galbeed,walina waa ay socdaan shaqaaqooyinkaasi.

Ciidamada Itoobiya ee  ka tirsan AMSIOM waxaa ay ku aheed gef weeyn In ay qaadaan talaabadaasi oo ay xoog kusoo qafaalaan  Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali, waxaana durbadiiba bilaawday talaabooyin ay beesha caalamku arintaani uga jawaabeeyso.

Xildhibaanadda Midowga Yurub ayaa la filaayaa in ay yeeshaan kulan deg de goo ay uga hadlayaan arintaan. Xildhibaanda ayaa waxa ay si cad u sheegeen in aysan aqbali kareeynin in dhaqaalaha ay bixiyaan loo istcimaalo gumaadka shacabka . Kulanka oo ku yimid codsi loo jeediyay xildhubanada ayaa waxaa dhici karta in go’aankoodu uu noqdo  in ay ku baaqaan in $20-Milyan oo doolar oo Midowga Yurub siiyo AMISOM  laga jaro

Hogaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo arintaani aad uga baqaya ayaa markii uu ka war helay waxaa uu soo saaray war la xariiro shaqaaadada ka dhacaday Magaalada Baydhabo.  Qoraal ay soo saareen maalintii shalay ahayd ayaa waxaana ay ku sheegeen in  AMISOM ayan ka danbaynin  afdubka Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali .