Baarlamaanka Jubbaland oo ansaxiyay gudi uu dhawaan magacaabay Axmed Madoobe

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulankoodka ku meel mariyay Guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay Guddiga,waxaana Guddigaan uu ka kooban yahay 7 Xubnood,iyadoona xalay uu magacaabay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Guddigaan ayaa haatan waxa ay si toos ah u gudan doonaan Shaqooda ,isla markaana ka shaqeyn doona arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.