Reading Time: < 1 minute

Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland oo kulan aan caadi aheyn ku yeeshay xaruntooda magaalada Kismaayo ayaa cod u qaaday codsi uga yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka ka dalbaday in loo kordhiyo mudada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirrada, waxay xildhibaanadu maanta u ogolaadeen waqti kordhin 3-bilood ah, si uu u soo dhiso gole wasiirro oo cusub.

43 Xildhibaan oo maanta soo xaadirtay kulanka ayaa dhamaantood Axmed Madoobe u ogolaaday in mudada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirrada ay ugu daraan muddo 90-cisho ah oo u dhiganta 3-bilood.

Waa markii seddaxaad oo Madaxweyne Axmed Madoobe uu barlamaanka Jubbaland u kordhiyo mudada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirrada, tan iyo markii dib loo doortay dabayaaqadii Agoosto sanadkii hore ee 2019-kii.

Sidoo kale kulanka maanta ee baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa hor yaalla ajendeyaasha kala ah. Ilaalinta dastuurka KMG ah ee federaalka. Kuraasta degaan doorashadooda la badalay. Xeerka metelaadda Muqdisho oo Sabtidii lasoo dhaafay ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya iyo qodobo kale.