Baarlamaanka Ingiriiska oo talaado ka doodaya mooshinka aqoonsiga Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa maalinta talaada ee Toddobaadkan la filayaa in uu ka doodo mooshin ku wajahan xeer la xiriira in la aqoonsado Jamhuuriyadda gooni isutaaga ee la magac baxday Somaliland.

Mooshinkan oo uu soo diyaariyay Xildhibaan Gavin Williamson oo hore u ahaan jiray Wasiirka Gaashaan-dhiga UK, wuxuu mooshinkan dhigayaa in xeer ahaan looga doodo in JSL loo aqoonsado dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Barta Internetka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa lagu daabacay in mooshinkaasi la geli doono gelinka dambe ee maalinta Salaasada ah. Haddii mooshinkani najaxo waxay noqonaysaa inuu maro labada aqal ee baarlamaanka Ingiriiska, kadibna waxa ay Dawladdu qaadi doontaa inay dhsqangeliso xeerkaas baarlamaanku gaadhay.

Tallaabadan ayaa ah mid hore loogu qaaday halganka Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta. Waxaanu ku soo beegamayaa iyadoo Somaliland ay dhawaan u debaal-degtay 32 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya sanadkii 1960.