Guddoonka Baarlamaanka HirShabeelle ayaa aqbalay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare. Mooshinkan ayaa sida la sheegay waxaa saxiixday inkabadan konton xildhibaan waxaana xildhibaanada saxiixay ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare xil gudasho la’aan.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka HIrshabelle ayaa caawa u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
MOL oo isku dayday in ay xiriir la sameeyso Madaxweyne Waare ayaanay noo suurto gelin balse waxaa MOL oo la xiriirta howlwadeenada Madaxtooyada HirShabeelle aya noo xaqiijiyay in la gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Waare.
Wixii soo kordha oo faahfaahin ah dib ayaan idinkala socodsiin doonaa