Baarlamaanka DG Puntland oo la siiyay fasaxay saddex maalmood ah

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland ayaa galay fasax mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo loo qaybiyay shalay.

Sharcigan oo uu Baarlamanka u soo gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi, waxa lagu wareejiyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka,warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamanka, si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad.

Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa sida qorshaysan la isu’gu soo laaban doona maalinta Sabtida ah oo ku beegan July 17, 2021, iyadoo golaha la hor-keeni doono hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah. Dhinaca kale, xildhibaanno kooban oo taageersan xukuumadda ayaa doonaya in laga laabto wax-ka beddelka lagu sameeyay xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland, inkastoo mudanayaasha badankoodu isku raacsan yihiin wax-ka beddelkan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!