Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyagoo ka arinsanaya sidii loogu dar dar galin lahaa saqooyinka horyaala oo aan waqti danbe la dhumin.
Xildhibaanada golaha shacabka oo uu kulankooda shir gudoomin doona Gudoomiyaha KMG-ka ah ee Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhabancad) ayaa fadhigooda waxa uu ka dhacayaa xarunta gudoonka iyo guddiyada baarlamaanka ee Villa Hargeysa, waxeyna ka arinsayaa u diyaar garowga doorashada gudoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen ee aqalka hoose.
Dhanka Aqalka sare, waxaa shirkooda oo ka dhacaya xaruntood agudoomin doona iyaguna gudoomiyaha KMG-ka ah oo ah shaqsiga ugu da’da weyn Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), waxaana iyagu ay ka arinsan doonaan sidii deg deg loogu dooran laha agudoomiye iyo kuxigeenadiisa, waxaa loo badinayaa in aqalka sare ee labada malain soo sooctaba ay howshan ka dhamaadaan, maadaama ay aad uga yar yihiin golaha shacabka.
Si kastaba, Guddoomiye Gaagaab oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland iyo Dhaban-cad oo reer Galmudug ayaa laga sugayaa inay kasoo dhalaalaan howsha loo igmaday, waxaana ugu horeysa doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha, oo ah midda sida weyn loo wada sugayo.