Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug oo Kulmay Maanta

Reading Time: < 1 minute

Kulan ay Maanta ku yeesheen magaalada dhuusamareeb xubnaha Baarlamanka Galmudug aya waxa si wada jir ah isugu yimaadeen xubnaha baarlamanka ee dhowaan la isku biiriyay .

Kulankan oo aha ki kowad ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamanka galmudug Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa labaad Maxamed Axmed Maalin.

Xildhibaanadu ayaa sheegay in kulankan uu ahaa is aragtidii koowaad ee xubnaha baarlamanka ee la isku biiiriyey waxaana uu intaa raaciyey in kulanka baarlamanka uu toos u bilaabanayo maalinimada isniinta ah ee nagusoo aadan.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug ee Maanta ayaa waxaa fadhiyey xubnaha cusub iyo kuwii hore ee baarlamaanka galmudug,Waxaana Maalinta Isniinta ah wixii ka dambeeya ay geli doonaan Shaqooyinkooda