Baarlamaanka JFS oo isku diyaarinaya in aay kalsoonida kala laabtaan RW Xasan Cali Kheyre

Reading Time: 3 minutes

Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia ayaa wada Saxiixo Mooshin ay ku dalbanayaan in Xilka laga qaado Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuumadda uu hogaamiyo.

Mooshinkan ayeey u sababaynayaan Xildhibaanadda Xil ka qaadista Raiisul Wasaaraha inuu sameeyay Qiyaano Qaran, kuna xadgudbay Dastuurka iyo Shuruucda kale ee u dagsan Dalka. Waxayna dalbadeen in Kalsoonidda lagala laabto Xukuumadda uu hogaamiyo Khayre.

inta la ogyahay Mooshinkan waxaa saxiixay illaa iyo 170 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, Waxaana wali socda Saxiixa Xildhibaanadda, Balse Muqdisho Online ayaa heshay Nuqul ka mida Mooshinka iyo Qodobadda loo daliishanayo Xil ka Qaadista Raiisul Wasaare Khayre oo ay isaga iyo Xukuumadiisu qirteen dhowaan in Muwaadin Soomaali ah ay u gacan galiyeen Itoobiya, iyagoo waliba Ururka ONLF-na u aqoonsaday Urur Argagixiso.

[ae-fb-embed url=’https://www.facebook.com/gumeysimaogali/videos/920740031398607/’ width=’400′]

Annagoo kala ah Xidhibaanada magacyadooda iyo sixiixooda hoos ku tixan yihiin waxaan soo jeedineynaa motion xil-ka-qaadis Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyed kadib markuu ku dhacay falal isugu jira Khiyaano Qaran iyo ku-xad-gudub cad ee Dastuurka KMG ee JFS.

Sida uu qabo Dastuurka Dalka:

Qodobkiisa 4aad: Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa Sharciga ugu sarreeya dalka, isaga ayayna xukumaddu u hoggaansameysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aamada siyaasadeed ee qeybaha dowladda oo dhan.

Sidaas darteed Golalaha Sharci dejinta (Golaha shacabka) oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed waxaa ku waajib ah oo ay u dhaarteen in ay ilaaiyaan Dastuurka KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Wasiirka 1aad waa mas’uulka ugu sarreya ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed, kalsooni siinta isaga iyo Xukuumadiisa iyo Kalsooni Kala noqoshada Wasiirka Koowaad iyo Xukuumadiisa waxaa qeexaya Dastuurka Federaalka ee KMG Qodobkiisa 90aad xarafka (D).

Qodobka 90aad Xarafkiisa (D): Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah : Wuxuu magacaabayaa Xilka Wasiirka 1aad, wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka hadii ay weydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka , oo ah cod hal dheeri ah (50% + 1).

Haddaba Madaxa Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya waxuu sameeyay khayaano qaran ka dib markii uu Muwaadin Soomaliyeed u gudbiyay dowlad kale;

1). Dhacdadii xanuunka badneyd ee bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin ka dhiidhiyeen ee ahayd u Gudbin Muwaadin Soomaaliyeed oo loo gudbiyay ama loo wareejiyay waddan kale aakhirkii bisha August 2017, waa Khayaano qaran oo laga galay umadda soomaaliyeed kana soo horjeeda dhaartii uu u dhaartay dalka, dadka iyo Diinta, mar haddii uu Wasiirka Koowaad, Dadkii uu u dhaartay u Gacan geliyay dowlad kale waa ficil Muujinaya in uu galay Khiyaamo Qaran

Wasiirka Koowaad Isagoo si qarsoodi ah, aanan waafaqsaneyn shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga u Gudbiyay Muwaadin Soomaaliyeed. Iyadoo aanan wax dambi ah lagu soo eedeyn taas oo ka soo horjeedda Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 34 farqadiisa 2aad iyo ku xadgudub xaquuqda Muwaadin Soomaliyeed sida ku cad qodabka 35 farqadiisa 1aad, 2aad,3aad, 4aad, 5aad, 6aad, 7aad, 8aad,9aad, 10aad,11aad, 12aad iyo 13aad oo dhammantood si cad u qeexayo xaquuqda Eedeysanaha. Qodobadaas lagu xadgudbay ee dastuuriga ah ayaa dhaliyay Soo jeedintaan (Motion) laga soo gudbiyo Wasiirka koowaad iyo Xukuumadiisa maadaama uu yahay mas’uulka ugu sarreeya ee Golaha Fulinta .

Waxaa iyada Marag madoonto ah haddii uu Muwaadin Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo u dagaalamay midnimada Qaran Soomaaliyeed isla markaa uu bilad Geesi ah ka heystay Jamhuuriyadda Soomaaliya ma manta ayaa abaal looga dhigaa inuu Cadow gacanta loogaliyo.

Shirkii Golaha Xukuumada ee dhacay 06/09/2017 Go’aan ay gaareen wuxuu ka hor imaanayaa qaar kamid aha Qodobka Dastuurka kuwaa oo kala ah :

  1. Qod 4aad faq 1aad ee Sareynta Sharciga
  2. Qod 8aad Faq 1aad,2aad, 3aad iyo 4aad Shacabka iyo Jinsiydaha
  3. Qod. 10aad faq. 1aad,2aad,iyo 3aad Karaamada Aadanaha
  4. Qod. 12 aad Faq. 1aad iyo 2 aad Dhaqan galinta Xuquuqda Aadanaha
  5. Qodobka 36aad Isu celinta Eedeysanayaasha iyo Dembiileyaasha:

Farqaddiisa 1aad: Isu celinta eedeysaneyaasha iyo dembiileyaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo inuu jiro heshiis isu-celin oo ay dhinac ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya celinta eedeysanaha ama dembiilaha.

Farqaddiisa 2aad: Isu-celinta Eedeysaneyaasha iyo Dembiileyaasha waa iney waafaqsanaataa Dhaqanka iyo Qaanuunada Caalamiga ah. Waana inuu Baarlamaanka Federaalaku soo saaraa sharci lagu maamulayo isu-celinta eedeysaneyaasha.

Sharciyada caalamiga ah:

Ilaa iyo maanta ma jiraan shuruuc ama heshiisyo caalami ah oo JFS ku waajibinaya in ay celiso qof eedeysane ama dembiile u ah Dawlad shisheeye.

Waxaa jira Heshiis ay Dawladaha IGAD dhawaan sameyteen (IGAD Convention on Extradition) oo ku saabsan isu-celinta dadka dembiileyaasha ah, Convention kaas IGAD ay sameesay weli masaxiixin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya xubinna kama aha Jamhuuriyad Soomaaliya.

Hadaba anagoo ah Xubnaha Xildhibaanadda ah ee ku saxiixan Mooshinkaan waxaa Gudoonka ka codsaneynaa in Wasiirka Koowaad iyo Xukuumadiisa loo qaado Cod Kalsooni Kala noqosho.

Xildhibaanadda Saxiixoodu wali wuu socdaa, sidaas daraadeed waxay Muqdisho Online ku dadaali doontaa marka uu dhamaado Saxiixa Xildhibaanadda inay idiin soo gudbiso, Nuqul ka mida Mooshinka oo saxiixan.

[su_document url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2017/09/GolahaShacabkaMotionPM.pdf”]