Baarlabaanka JFS “Madaxweyne waxaan kaa rabnaa caddeeymo ciidanka loo diray Eriteriya”

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Arrimaha Dibadda ee BJFS ayaa warqad uu u diray MW Farmaajo Bisha Janaayo 18, 2021 uga codsaday in uu caddeyn buuxdo ka bixiyo ciidamada aay DF tababarka ugu dirtay dalka Eriteriya.

Baarlabaanka ayaa sheegay kaddib markii aay cabashooyin isdaba joog ah uga yimaadeen waalidiinta wiilasha loo qaaday Tababarka oo aan la ogeyn halka aay ku sugan yihiin ayaa Baarlabaanka waxay MW Farmaajo ka codsadeen in uu caddeeyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyarada loo qaaday tababarka, lana xiriirisid waalidiintooda.

Waxaa kale oo aay ka codsadeen in si degdeg ah loogu diro guddi dowladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba.

Dowladda Federaalka ayaa gebi ahaanba ka gaarsatay in aay sheegto in ciidan tababar loogu diray Dalka Eriteriya, waxaana wareysi uu siiyay BBC Wasiir Warfaafinta uu sheegay in ciidan loo diray tababar, balse wuxuu diiday in uu sheegay wadanka loogu diray taasoo sii kordhisay tuhunka laga qabo in ciidanka loo diray Eriteriya aay qeyb ka ahaayeen dagaalka Ciidan Itoobiya iyo TPLF

Halka Hoose ka akhriso warqadda aay Baarabaanka u direen Farmaajo